Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Garoonka Jomo Kenyata kulan gaaban kula yeeshay Jendayi Frazer

Cabirka Farta

Isniin, December 22, 2008(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Nairobi ku wada sugan ayaa waxay saaka Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyata kulan kula qaateen Jendayi Frazer oo Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika.

Labada mas’uul ayaa siyaabo kala gooni gooni ah ugu tegay Jendayi Frazer oo safar ka sii ahayd Garoonka Jomo Kenyata, ilaa iyo haatan lama oga waxyaabihii ay rasmi ahaan ku saabsanaayeen kulamada dhexmaray madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Jendayi Frazer.

Kulanka dhexmaray Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jendayi Frazer ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo aaney wada shaqeyn u dhaxeysa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo khilaafkooda uu gaaray in Madaxweynaha uu sheego in uu xilkii ka qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde  halka Ra’iisal Wasaarahana uu markaas kadib kalsooni ka doontay baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga walaacsan beesha Caalamka oo khatar u aragta amni darrada ka jirta berriga iyo badaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia