Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika oo shir ka leh Arrimaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Isniin, December 22, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Midnimada Afrika ayaa arrimaha Soomaaliya wuxuu maanta uga shirayaa Magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Dalka Itoobiya.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha dalalka Soomaaliya D.R.Congo ayaa waxaa kaloo looga hadlayaa xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya iyo weliba sida Ciidamo ka socda Midowga Afrika loogu diri karo.

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Jabriil Maxamed Shiikh Cusmaan ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC u sheegay in shirka waxyaabaha looga hadlayo ay ka mid yihiin in wax laga qabto xaaladaha amni darro ee ka sii daraya ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la filayo in shirka lagu go’aamiyo in ciidamo ka socda Midowga Afrika loo diro Soomaaliya, kuwaasi oo ku sii simi doona Qaramada Midoobay oo laga filayo in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya.

Qunsulka oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in Dowladaha Uganda iyo Burundi ay sheegeen in ay guutooyin Ciidamo ah ku biirin doonaan Ciidamadooda jooga Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay taasi ku xireen shuruud ah in marka hore ay helaan ballanqaad ah in Ciidamo ka socda UN-ka Soomaaliya loo dirayo.

Jabriil Maxamed Shiikh Cusmaan waxaa uu intaas ku daray in shirka oo weli socda ay go’aanno wax ku ool ah ka soo bixi doonaan galabta, wuxuuna caddeeyay in  shirka qeybahiisa hore looga hadlayo arrimaha Dalka D.R.Congo.

Shirkan ayaa wuxuu qabsoomayaa iyadoo shalay uu Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mr. Jean Ping uu Addis Ababa ka sheegay in Madaxweynaha Nigeria uu ku wargeliyay in ay diyaar yihiin Ciidamadii ay Nigeri u diri lahayd Soomaaliya, kuwaasi oo gaaraya hal batallion.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia