Isniin, December 22, 2008(HOL): Tababar Saxaafadeed oo socon doona muddo shan maalmood ah, isla markaana ay bixinayaan Xarunta Tababarada ee Dalmar oo qayb ka ah Dalmar Foundation, ayaa maanta 25 Suxufi oo ka tirsan Warbaahinta Somaliland uga furmay Hotel Emperial ee Magaalada Hargeysa.
Tababarkan oo ku saabsan Maaraynta, salkana ku haya kor-u-qaadka xirfadda Ha’yadaha Warbaahineed ee Somaliland oo ay wada-jir u soo qaban-qaabiyeen Ururka USJ ee Suxufiyiinta Somaliland iyo Ururka Suxufiyiinta Haweenka Saxaafadda ee WIJA, ayaa waxa maalgelinaya Hay’adda Oxfarm Novib iyo Dalmar Foundation.
Munaasibaddii furitaanka tababarkan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Axsaabta Siyaasadda, Ganacsatada, Saxaafadda iyo Ururada kale ee Bulshada, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Mr. Xasan Macalin oo ka socday Hay’adda Dalmar Foundation, waxaanu ka waramay ujeedada tababarkan. “Booqasho aanu Dalmar ahaan ku nimi Somaliland, ayaa markii aanu kulano la qaadanay Ururada Saxaafadda, waxaanu isla garanay in loo bahaan yahay Barnaamij-kan” ayuu yidhi Xasan Macalin. Waxanu ka warbixiyay Dalmar Foundation oo uu sheegay inay ka kooban tahay saddex qaybood. “Dalmar Media Trainin Center ama Xarunta tababarka Warbaahinta ee Dalmar oo tababaro siisa Suxufiyiinta, si kor loogu qaado tayada Warbaahinta, Idaacaddo iyo waliba Website.” Ayuu yidhi Xasan Macalin. Isaga oo ballan qaaday in ay qaban doonaan Tababar kale.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qayb galay furitaanka tababarkan oo isna halkaa ka hadlay ayaa aad ugu ammaanay Dalmar Foundation abaabulka iyo bixinta tababarkan oo uu sheegay in uu yahay mid wax ka tari doona hannaanka maamul iyo maarayn ee Warbaahinta. “Maaraynta cid ka maarantaa ma jirto oo cid walibana way u baahan tahay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID. Waxaanu aad ugu dheeraaday masuuliyadda saaran Suxufiyiinta iyo sida looga baahan yahay inay u gutaan waajibaadka saaran.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ah Xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in tababarkani uu hormarin doono, isla markaana uu wax ka tari doono tayada aqooneed ee Suxufiyiinta. Waxaanu Warbaahinta kula dardaarmay in la hubiyo waxyaabaha la qorayo, lagana dhigo kuwo wax dhisaya, balse aan waxba duminayn.
Xasan Maxamed Jaamac (Xiis) oo ka socday Hay’adda IREX oo ka mid ahaa Masuuliyiintii halkaa ka hadlay ayaa ka waramay kaalinta Haweenku kaga jiraan. Waxaanu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Ururo Saxaafadeed oo la sameeyo iyo in la sii wado tabbarada noocan oo kale ah.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay dad ay ka mid yihiin Xasan Cabdi Cawad oo ka socday Shirkadda DAHAB-SHIIL, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta USJ Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Shukri Xasan Aadan oo ka socotay WIJA, Faysal Cali Sh. Guddoomiyaha Jamhuuriya, Kaltuun Xasan oo ka socotay Dalladda Ururada Haweenka ee NAGAAD, Mr. Barwaani oo ka socday Dalladda SONYO ee dhalinnyarada iyo marti-sharaf kale.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland