Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in haddii ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya ay Xoogagga Islaamiyiinta ah la wareegi doonaan Soomaaliya

Cabirka Farta

Isniin, December 22, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta u ah Dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay in haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya ay gacan ku heynta Soomaaliya la wareegi doonaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada shisheeye ee Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf oo wareysi siiyay Tv-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in wal walka ugu weyn ee haysta uu yahay inay dalka oo dhan gacanta ku dhigayaan kooxaha mucaaradka ah ee Dowladdiisa ku kacsan, si gaar ahna wuxuu  carrabka ugu dhuftay kooxda Al-shabaab.

"Haddii ay meesha ka baxdo DFKMG ah, waxaa hubaal ah in xaaladda Soomaaliya ay khatar ku jirto waayo waxay gacanta u galaysaa kooxo hubeysan" ayuu mar kale yiri Madaxweyne Yuusuf.

Hadalka Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay Ethiopia sheegtay inay ka go'an tahay inay dalka Somaila kala baxdo ciidamadeeda, taasina ay tahay mid  aan dib loo dhigi karin.

Mucaaradka ka horjeeda DFKMG ah ayaa gacanta ku haya inta badan gobolada dalka marka laga reebo qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo oo fariisin u ah baarlamaanka Somalia.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia