Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

Cabirka Farta

Arbaco, August 20, 2008(HOL): Ugu yaraan 9 qofood ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo gacanta ku haya magaalada Kismaayo iyo Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaasi oo beryahan ku sugnaa Magaalada Kismaayo iyo deegaanno hoos-yimaada.

Sida ay sheegayaan dad aan kala xiriirnay Magaalada Kismayo dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidamada maamulka gacanta ku haya Magaalada Kismaayo iyo Xoogagga Al-Shabaab ay isku maan-dhaafeen gacan-ku-heynta deegaanno hoos-yimaada Magaalada Kismaayo.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa dhawaanahan waxay howlgallo burcad sifeyn ah ka wadeen deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo iyo duleedyadeeda oo ay ku soo badanayay Maleeshiyooyin aan cidna ka amar qaadan oo dhibaato ku hayay dadka safarka ah iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa wuxuu sameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga Magaalada Kismaayo, iyadoo dadka magaaladaas ku dhaqanna ay la soo deristay cabsi ku saabsan in ay dhinacyada dagaallamaya ay mar kale dushooda ku dagaallamaan.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka taliya maamul iskiis isu maamula, kaasi oo qudhiisa xakameyn waayay Maleeshiyooyin Beeleedyo isbaarooyin dhigta gudaha Magaalada, mararka qaarkoodna xayira howlaha Dekedda Kismaayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia