Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Arbaco, August 20, 2008(HOL): Dagaal culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka aroortii wuxuu ka dhacay Isgoyska KM4  ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Amisom iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalka oo bilowday markii laga soo baxay Salaaddii Subax ayaa waxaa uu ahaa mid dhawaqa hubka la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Intii uu socday Dagaalka ayaa waxaa madaafiic ay ku dhacday xaafado ka tirsan Degmada Hodan, iyadoo madaafiicdaasna ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa waxay ku geeriyoodeen dagaalkaas, 15 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxayna dadka dhimashada iyo dhaawaca soo gaartay ay u badnaayeen dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas habow ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Isgoyska KM4 dagaal ka dhaco, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamada Amisom ee ku sugan Igsoyskaas.

Ugu dambeyntiina, dagaalka saaka lagu qaaday Ciidamada Amisom ee ku sugan Isgoyska KM4 ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu muddo lix bilood ah ugu kordhiyay mudada ay joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia