Maamulka Puntland oo bilaabay dadaalo uu ku adkaynayo Xuduudaha uu la Wadaago Maamulka Somaliland

Cabirka Farta

Arbaco, August 20, 2008(HOL): Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geeyay degmada Buuhuudle ee Gobolka Cayn, kuwaasi oo loogu tala galay in ay adkeeyaaan amniga xuduudaha Puntlad ay la wadaagto Maamulka Somaliland.

Ciidamadaan ayaa lagu wadaa in ay wax ka taraan Cabsi baryihii u danbaysay ka taagnayd Degmadasi Buuhuudle, taasi oo soo food saartay shacabka degmadaasi Ku dhaqan.

Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi oo la hadlayay saxaafadda Boosaaso ayaa si rasmi ah u sheegay in Maamulka Puntland ay go,an tahay sidii uu u difaacan lahaa xuduudihiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan Puntland oo ka booqoolay Gobolka Bari ay gaareen Degmadaasi Laas -Qoray oo hadda ka hor ay galeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland. Mid ka  Mid ah Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolka Cayn ayaa sheegay in iminka ay wax wayn iska bedeleen amniga Gobolka Cayn.

Dhinaca kale waxaa ka soconaya degmada Buuhoodle dayactir lagu samaynayo Saldhig ay horay u adeegsan jireen Ciidamada Booliska Gobolkaasi, kaasi oo waqtiyadii ugu danbaysay uu soo food saaray dayac aad u baahsan.

Dhismaha Saldhigan waxaa Iska kaashanaya Maamulka Gobolkaasi iyo Ganacsatada ku dhaqan degmada Buuhuudle ee Gobolka Cayn, si wax looga qabto amniga Gobolkaasi Cayn.

Waqtiyadii ugu danbeeyay ma jirin wax dagaal ah oo ku salaysan dhanka xuduudaha , kaasi oo u dhaxmaray Maamullada Puntland iyo Somaliland, iyadoo midba midka kale uu ku eedaynayo in uu gardaro qaawan wado.

Isku soo wada duuboo arimahaan oo dhan ayaa waxay ku soo aadayaan, iyadoo waqtiyadii la soo dhaafay la dareemayay xurguf dhanka xuduudaha ah oo u dhaxeysa Maamullada Puntland Iyo Somaliland.

Faysal Maxamed Xasan (Boston) Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia