Arbaco, August 20, 2008(HOL): Wali waxaa Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobalka Hiiraan ka socda barakaca dadka yaridka ee ka cabsida qaba dirir mar kale ku dhaxmarta gudaha Magaalada Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga ka soo hor jeeda ee Maxkamadaha Islaamiga.
Dadka barkacaya oo intooda badan ah Haween iyo Caruur aad u jilicsan ayaa ku biiraya xeryaha ay ku jiraan dadkii hora uga barakacay dagaaladii dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaalada Beledweyne kuwaas oo horayba looga deyrinayay xaaladdooda Nololeed.
Hadal qoraal ah oo ay soo saareen Hay'addaha Samafalka iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada Gobalka Hiiraan ayaa waxaa si faah faahsan loogu cabiraya dhibaatada mugga leh ee ka dhalan karta kororka dadka rayidka ah ee ka barakacaya Magaalada Beledweyne xilli lala dalaa-dhacayo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadkii horay u barakacay.
“Khiyaastu markii hore waxaa ay ay aheyd in dad gaaraya 50,000 la gaarsiiyo kaalmo deg deg ah laakiin hadda xaalku waa mid sidaas ka badalan, waxaana loo baahan yahay in kaalmo loo helo haddii sidan barkacu ku sii socdo tiro intaas ka sii badan” ayaa lagu sheegay qoraalka oo gaar ahaan farta ku fiiqaya heerka nafaqo darrada Caruurta barakacayaasha.
Xeryaha qaar marka la eego xaaladda nololeed ee ka jirta waa mid khatar badan xanbaarsan iyagoo caruurtu ay bilaabeen in ay shubmaan, waxaana intaas oo dhan ka sii daran nolosha Qoysaska oo hoos u sii dhaceysa taasoo keeni karta in nafaqo darridu sii badato haddii aan la helin kaalmo ka badan tan markii hore ku tala galku ahaa.
Inkastoo, qoraalkani yahay mid muujinaya shakiga Hay'addahu ka qabaan in ay gacanta a ka geysan karaan xaaladda Bani'aadnimo ee ka jirta daafaha Magaalada Beledweyne iyo deegaannada ka durugsan, ayaa hadana dhinaca kale waxaa jira dadaal ay wadaan ururro Maxalli ah oo xiriir la leh Jaaliyadaha dibadda kuwaas oo siweyn ugu howlan sidii loo gargaari lahaa dadka dhibaateysan.
Gaar ahaan Ururadaasi waxaa ay sheegeen marka la eego dadka dibada uga baxaya Magaalada la oran karo waxaa labo jibaar ka badan kuwa wali ku sii harsan Magaalada ee aan awooddu u saamixin in ay barkacaan kuwaas oo laftirkooda u baahan in la gar gaaro.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, dagaalladii is xig-xigay ee ka dhacay Magaalada Beledweyne dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay iyo 16ka bishan aynu ku jirno waxaa ay sababeen xaalado Bani'aadnimo oo khatar taasoo keeni karta dhimasho soo food saarta Caruurta oo ah kuwa ugu jilicsan marka laga hadlayo xaaladaha noocan oo kale ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Hay'addaha Samafalka iyo Ururada Bulshada Rayidka Gobalka Hiiraan oo ka deyrinaya Xaaladda Bani'aadannimo ee Dadkii Beledweyne ka barakacay
Cabirka Farta
More News
- Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo
- Madaxweyne Rayaale oo Shahaadooyin guddoonsiiyay Macalimiin Aqoon Jaamacadeed dhammaystay
- Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Beledweyne oo Qaraxyo lala beegsaday
- Maamulka Puntland oo bilaabay dadaalo uu ku adkaynayo Xuduudaha uu la Wadaago Maamulka Somaliland
- Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Ciidamada Amisom lix bilood ugu kordhiyay mudada ay joogayaan Soomaaliya
- Guddoomiyaha Gobolka Nugaal oo sheegay in sharciga la hor keeni doono Kooxo uu ku tilmaamay in ay yihiin Qas-wadayaal