Arbaco, August 20, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay shir ka yeeshay arrimaha Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu Ciidamada Amisom ugu kordhiyay muddo lix bilood ah inta ay sii joogayaan Soomaaliya.
Qaraar uu isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu weydiistay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon in uu la shaqeeyo Midowga Afrika si loo xoogeeyo taageerada farsamo iyo siyaaso ee UN-ka si Midowga Afrika uu uga howlgalo Soomaaliya ama Ciidamada Midowga Afrika looga dhigo kuwo UN-ka ka socda.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 26-ka bishan oo ku beegan Talaadada soo socota wuxuu mar kale shir ka yeelan doonaa Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna markaasi ka arinsan doonaa arrimo ku saabsan heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti, kaasi oo uu qodobadiisa ku jiray qodob ku saabsanaa in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya uga baxaan 120 maalmood gudahood kadib marka la helo Ciidamo ka socda UN-ka oo sugidda ammaanka Soomaaliya ku filan.
Shirkaas uu Golaha Ammaanka isugu imaanayo todobaadkan soo socda ayaa la filayaa in uu labo go’aan midkood ka soo baxo, kuwaasi oo kala ah in uu ku dhawaaqo in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya iyo in Ciidamada Amisom ee haatan Soomaaliya jooga Koofiga loo bedelo, loona xiro Koofiga UN-ka, kuwo kale oo hor lehna lagu biiriyo.
Dadka Soomaaliyeed ayaa waxay si weyn uga war dhowrayaan waxa ka soo bixi doona shirka uu todobaadka dambe Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeelan doono Arrimaha Soomaaliya, iyadoo haddii uusan arrintaas go’aan ka soo saarin-na uusan meel-mar noqoneynin Heshiiskii ay 9-kii June 2008 ku wada gaareen Dalka Jibouti dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia