Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in aysan u qorsheysneyd in uu is-casilo

Cabirka Farta

Sabti, August 02, 2008(HOL): Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin in uu is-casilo.

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da wax ka weydiisay sida uu u arkayo Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan ayaa sheegay in aysan jirin Wasiirro u soo gudbiyay is-casilaaddooda.

"Waan maqlayay warar sheegayay in ay Wasiirro is-casileen, laakin ilaa iyo haatan ma jiraan Wasiirro istiqaalo u soo gudbiyay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha"ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in warka is-casilaadda isaga xitaa lagu daray.

"Is-casilaadda la sheegayo xitaa aniga waa la igu daray, laakin waxaan idiin sheegayaa in aaney haatan ii qorsheysneyn in aan is-casilo"ayuu mar kale yiri Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in barnaamijka is-casilaadda wasiirrada uu yahay mid ujeeddo gaar ah laga leeyahay oo markaasina la doonayo in qal-qal siyaasadeed dalka loogu abuuro, in nabadgelyadii la raadinayay iyo barnaamijkii dib u heshiisiinta in la carqaladeeyo, wuxuuna caddeeyay in aanu jirin wel wel ku saabsan in ay dhaceyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Saaka ayay ahayd markii 10 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ay Muqdisho kaga dhawaaqeen in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda Federaalka, iyadoo Wasiirradaasna ay isugu jireen kuwo dalka ku sugan iyo kuwo la sheegay inay dalka dibaddiisa emails uga soo direen qoraalka is-casilaaddooda.

Wasiirrada is-casilay ayaa waxay ku sheegeen sababta ay isu casileen in Fadeexad Maaliyadeed Baarlamaanka laga geeyay Xukuumadda, in aan hab sharci ah loo soo marin xil ka qaadistii Maxamed Dheere iyo aaney Xukuumadda Federaalka wax miisaniyad ah hor-geynin Baarlamaanka tan iyo markii la dhisay.

Is-casilaadda ay soo gudbiyeen Wasiirradan ayaa waxay ku soo beegmeysaa maalin kadib markii 32 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu baaqeen Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde in ay is-casisho bacdamaa sida ay yiraahdeen ay gashay fadeexad maaliyadeed, sidoo kalena waxay is-casilaaddan ku soo beegmeysaa iyadoo uu khilaaf xoog leh soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ugu danbeyntiina, warar aynu ka helnay ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde uu qorsheynayo sidii uu u buuxin lahaa xilalkii ay ku magacawnaayeen Wasiirradii is-casilay, inkastoo ay taasina u baahan doonto in uu aqbalo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo haatan la sheegayo in ay is-khilaafsan yihiin Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

Warkii Wasiirrada is-casilay-HOL

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia