Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in uusan Nabad rabin

Cabirka Farta

Sabti, August 02, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya in uusan nabad rabin, isla markaana uu  caqabad ku yahay tallaabo kasta oo loo qaado dhinaca dib u heshiisiinta iyo Nabadda.

Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ka soo horjeestay tallaabo ay Xukuumadda Federaalka u qaaday sida uu u yiri dhinaca wanaaga, taasi oo ahayd in ay xilka ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo lagu soo eedo badan loo soo jeediyay.

"Markii ay Xukuumadda Federaalka aragtay dhibaatada uu Maxamed Dheere ku hayo Shacabka Gobolka Banaadir oo ay xilka ka qaaday ayuu C/llaahi Yuusuf is-hor-taagay, isagoo taasina uga dan leh in uu dhibaato ka dhex abuuro dadka Gobolka Banaadir ku wada dhaqan"ayuu yiri C/llaahi Dheere.

C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu dhibaato ku hayo Koofurta Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Gobolka Banaadir, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi marag muujin u tahay sida uu ugu dadaalayo ammanka Puntlnad, deegaannada kale ee Koofurta Soomaaliyana uu Ciidamada Itoobiyaanka ugu baabi'inayo.

"Waxaan leenahay C/llaahi Yuusuf haka waantoobo dhibaatada uu ka wado Deegaannada Koofurta Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, haddii uu ka waantoobi waayana waa la iska celin doonaa"ayuu mar kale yiri C/llaahi Dheere, afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia