Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay weerari doonaan Ciidamada Itoobiya haddii aysan ka bixin Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Sabti, August 02, 2008(HOL): Inkastoo wali u jirro dadaal ay wadaan Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiiraan oo ku wajahan Ciidamada Itoobiyaanku dib loogu cilin lahaa saldhigooda Jante-kuudisho ee duleedka Magaalada Beledweyne, ayaa dhinaca kale warar soo baxaya sheegayaan in Mas'uuliyiin ka tirsan Xoogagga Maxkamadahu ku balan qaadeen in ay weerari doonaan Ciidamada Itoobiyaanka hadii aysan maalmo kooban uga bixin Magaaladda.
 
Mas'uuliyiintan oo qaarkood xiriiro la soo sameeyay Idaacadaha ka howl-gala Gobalka ayaa sheegay in wada hadalka u socda Odayaasha iyo Saraakiisha Itoobiyaanku yahay mid u eg sida ay hadalka u dhigeen ( Madadaalo) sidaa daraadeed aysan u dul qaadan doonin in Ciidamada Itoobiyaanku iska sii joogaan Magaalada, iyagga oo dhinaca kalana sheegay in hadii ay arimuhu sidan ku sii socdaan qasab noqoneysa in xoog loo adeegsado sidii Ciidamada looga saari lahaa Magaalada.
 
'' In Itoobiyaaku waxba la aheyn wada hadalka Odayaasha waxaa laga garan karaa weerarkii ay ku soo qaadeen Magaalada xilli iyo iyagga iyo Odayaashu ku balan sanaayeen in aysan gudaha Magaalada u soo galin' ayeey sheegeen Saraakiisha u hadashay Xoogagga Maxkamadaha oo intaa sii daba dhigay in mudo gaaban ka warsugayaan halka wada hadalku ku dhamaado,
 
Dhinaca kale Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ay HOL kala hadashay halka wax u marayaan ayaa sheegay in wali wada hadalku socda, waxaana uu intaa ku daray in marka hore Odayaasha dhaqanku xooga saarayaan sidii Ciidamada dibada loogu saari lahaa Magaalada, taasoo ah ayuu yiri howlaha hadda socda.
 
Mar ay weydiisay HOL Su'aal aheyd sida ay u arkaan dooda ay qabaan dhinaca dhinaca Maxkamadaha ee ah in wada hadalka Odayaasha iyo Itoobiyaanku waxba ka soo bixi doonin, waxaa uu yiri taa xiligeeda in la sugo ayaa haboon waayo waqti dhiman in laga hordhaco ma haboona.
 
Sikastaba arrintu ha ahaatee, marka laysugu geeyo hanjabaadaha ka soo baxaya dhinca Maxkamadaha iyo sida Ciidamada Itoobiyaaku ugu sii baahayaan magaalada iyo daafaheeda ayaa dad badani waxaa ay arintu ula muuqtaa mid aan laysku haleyn karin, walow hadana dadaalka socda yahay mid  u baahan in laga warsugu.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia