Sabti, August 02, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda la wareegeen howlgalladii ay Muqdisho ka wadeen Ciidamada Itoobiya.
"Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la wareegay howlgallada Muqdisho ka socda, Ciidamada Itoobiyana hurdo ayay ku jiraan" ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Daahir Maxamed Xirsi.
Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay Ciidamada Dowladda wadaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, wuxuuna sheegay in intii ay howlgallada wadeen aysan la kulmin wax iska hor-imaad ah.
Mar wax laga weydiiyay afhayeenka in ay goobaha dadka rayidka ah degan yihiin ay madaafiic ku garaacaan xiliyada la soo weeraro ayaa wuxuu sheegay in aysan taasi waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in iyagoo madaafiic heysta ay lug ku tagaan Ciidamada meelaha weerarrada looga soo qaado kadibna ay ka howlgalaan.
Afhayeenkan ayaa wuxuu inta badan ka hadlaa howlgallada ay sameeyaan Ciidamda Mileteriga Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwii dhawaan lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia