Xoogagga Al-Shabaab oo kala dhexgalay beelo ku dagaallamayay Deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka

Cabirka Farta

Sabti, August 02, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan oo ay joojiyaan dirir u dhaxeysay Beelo wada dega Deegaanka Jiwaarey oo ka tirsan Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in hubkii ay ku dagaallameen maleeshiyooyinka labadaas beelood ay kala soo wareegeen, isla markaana ay ogoleysiiyeen in ay wada hadal ku dhameystaan waxyaabaha keenay in ay dagaallamaan.

"Labada Beelood ee dagaallamayay mid waxaan ka soo qaadnay  2 BKM, 1 RPG iyo 2 AK47, Beesha kalena waxaan ka soo qaadnay 7 qori gacmeed"ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in ay tallaabadaas qaadeen kadib markii ay la kulmeen Odayaasha Deegaankaas oo u fasaxay inay kala dhexgalaan labada Beelood.

Sidoo kalena, Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay kala dhexgalaan Beelo iyagana ku dagaallamayay Duleedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo haatan wada hadallo lagu xalinayo dirirtooda ay ka socoto Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka ku dhaqan Deegaannada ay colaadaha ka socdeen ee Gobollada Jubbooyinka ayaa waxay soo dhaweeyeen dadaalka dhexdhexaadinta ah ee ay Xoogagga Al-Shabaab ka wadaan Gobollada Jubbooyinka.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa qaabka ay u dhisan yihiin Mileteri ahaan waxaa uu yahay mid adag oo aad looga baqo, waxayna taasi u fududeysaa Xoogagga Al-Shabaab in si dhib la'aan ah warkooda loo maqlo, isla markaana aan laga hor-imaanin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia