Xildhibaanno iska hor-jeeda oo maanta Baydhabo Shir Jaraa'id ku qabtay

Cabirka Farta

Khamiis, August 14, 2008(HOL): Xildhibaannadan oo kala taabacsan Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu khilaaf soo kala dhexgalay ayaa waxay shirar jaraa'id oo iska horjeeda ku qabteen Hotelka Bakiin ee Magaalada Baydhabo.

Xildhibaannada taageersanaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay shirkooda Jaraa'id ku sheegeen in ay ka codsanayaan Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka in dib loo dhigo ilaa Bisha September ee soo socota dadaallada dib u heshiisiineed ee laga dhex wado Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Xildhibaan Mowliid Macaani oo Xildhibaannada fikirkaas qaba wakiil ka ahaa ayaa Saxaafadda u sheegay in sababta ay sidaas u codsanayaan ay tahay iyagoo doonaya sida uu hadalka u yiri in marka hore la meeleeyo qalalaase siyaasadeed oo ka dhex jira Dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay in haddii qalalaasahaas laga gudbo la guda-geli doono arrinta dib u heshiisiinta.

Xildhibaannada taageersan dhaqdhaqaaqyada Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo iyaguna isla Hotelka Bakiin Shir Jaraa'id ku qabtay ayaa waxay sheegeen in ay taageersan yihiin dadaallada dib u heshiisiineed ee ay Qaramada Midoobay waddo, iyagoo weliba caddeeyay in ay codsanayaan in si deg deg ah looga mira-dhaliyo dadaaladaas, bacdamaa sida ay yiraahdeen uu dalka Soomaaliya dhibaato ku jiro.

Xildhibaan Ibraahim Kiish-buur oo Xildhibaanadan u hadlay ayaa wuxuu sheegay in aan la joogin waqti dib loo dhigo dib u heshiisiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin badbaadin iyo in miro wax ku ool ah ay ka soo baxaan wada hadallada ay Qaramada Midoobay ka dhex waddo dhinacyada Soomaalida.

Haddaba Shirarka Jaraa'id ee iska soo horjeeda ee ay Baydhabo ku qabteen mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dhex dareemayaa saameynta khilaafka u dhaxeeya madaxda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo haatan xalintiisa ay ku howlan tahay Dowladda Federaalka Itoobiya oo iyadu Ciidamo ku taageertay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia