Khamiis, August 14, 2008(HOL): Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay todobaadka soo socda ku kulmayaan Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.
Guddiyada labada dhinac oo ay dhexdhexaadineyso Qaramada Midoobay ayaa waxay ka hadlayaan arrimo ku saabsan Ammaanka, Siyaasadda, Cadaaladda iyo Dib u heshiisiinta, waxaana shirka ay isugu imaanayaan ka qeybgeli doona Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould-Abdallah, Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Mas'uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta ee kala ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo sidoo kalena ay goob-joog ka noqon doonaan wakiillo ka socday Beesha Caalamka.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould-Abdallah oo ka hadlay arrimaha Shirka Guddiyadaas ayaa wuxuu baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay si buuxda u taageeraan dadaallada xalka loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Soomaaliya.
Shirka ay isugu imaanayaan Guddiyada kala metelaya labada dhinac ayaa wuxuu shirkooda ku soo beegmayaa labo bilood kadib heshiis ay Magaalada Djibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo ay qodobadiisa ugu muhiimsanaayeen in xabadda la joojiyo iyo in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood gudahood ah kadib marka la helo Ciidamo ka socda UN-ka oo ku filan nabad-ilaalinta Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, marka ay soo dhamaadaan Shirarka Guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta waxaa la filayaa in mar kale ay labada dhinac si rasmi ah Dalka Sacuudiga ugu saxiixaan Heshiiskii ay Jibouti ku wada gaareen 9-kii June 2008.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia