Khamiis, August 14, 2008(HOL): Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay nin rayid ah ku dilay Xaafadda Siinaay qeybta Degmada Wardhiigley ayaa isna waxaa dilay Askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda.
Ninka raidka ah ayaa la dilay kadib markii uu ka biyo diiday dhac uu Askariga dilay doonayay in uu u geysto dukaan uu lahaa, kadibna waxaa Askarigii dilay Ciidamo ka tirsan Saldhigga Booliska Degmada Boondheere oo rasaasta ninka rayidka ah lagu dilay ku soo baxay.
Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/llaahi Istakiin ayaa sheegay in askariga la dilay uu dhac u geysanayay dad rayid ah, wuxuuna sheegay in ay ka hor-tageen Ciidamada Booliska Degmada Boondheere kadibna ay toogteen, halka uu xusay in ay baxsadeen kuwo kale oo la socday askariga la dilay.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyo had iyo jeer waxaa lagu eedeeyaa dhac ay u geystaan dadka rayidka ah, ilaa iyo haataanna ma jirto cid ka tirsan Talisyada Ciidamada Dowladda oo wax ka qabaenysa falalka dhaca ah ee ay Ciidamada geystaan.
Meydkan ninka rayid ah ee la dilay ayaa saaka waxaa loo qaaday Deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo la sheegay in ay ku sugan yihiin ehellada marxuumka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia