Khamiis, August 14, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow xafiisyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay sheegayaan in labadaas mas'uul looga yeeray Magaalada Addis Ababa ee Xarunta u ah Dalka Itoobiya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ay Dowladda Itoobiya u yeertay Madaxda Dowladda kadib markii ay ku guuleysan waayeen in ay khilaafkooda xaliyaan, isla markaana ay ixtiraamaan Axdiga u degsan Dowladda Federaalka ee kala qeexaya Awoodaha Hay'adaha Dowladda.
Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay Ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya, isla markaana ay la safteen Ciidamada Dowladda waxaa ay saameyn weyn ku leedahay Arrimaha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan tan ay ku shaqeyso Dowladda Fedeaalka, waxaana mar kasta oo khilaaf uu soo kala dhexgalo madaxda Dowladda la maqlaa Itoobiya ayaa u yeertay Madaxda sare ee Dowladda.
Khilaaf midkan ka horeeyay oo soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Cali Maxamed Geeddi waxaa la xusuusan yahay in ay si weyn ugu dhex jirtay labadaas mas'uul Dowladda Itoobiya oo Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Seyoum Mosfen uu labo Jeer Baydhabo u tegay in uu xaliyo khilaafka labada mas'uul, ilaa ugu dambeyntii Ra'iisal Wasaare Geeddi oo booqasho ku tegay magaalada Addis Ababa uu soo noqday isagoo wada warqad uu ku caddeynayo is-casilaaddiisa.
Haatan waxay Dowladda Itoobiya u yeereysaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde, waxaana la eegi doonaa sida ay u xaliso khilaafka labadaas mas'uul soo kala dhexgalay oo soo shaac bixitaankiisa ay sabab u noqotay xil-ka-qaadistii ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku sameysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia