Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo Bandow ku soo rogay xiliga habeenkii Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta
Khamiis, 14, 8, 2008 (HOL)  Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa soo rogay Bandow ka dhaqan galaya Degmada xilliga habeenkii wixii  ka danbeeya 10-ka habeennimo kadib markii sida wararku sheegayaan ay soo kordheen gudaha  Degmada Jalalaqsi  kooxo hubeysan oo aan la garaneyn cida ay ka amar qaataan.
 
Sidoo kale waxaa la mamnuucay in lagu dhax qaato gudaha Degmada hub marka laga reebo Ciidamo kooban oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga kuwaas oo ka shaqeynaya Nabad-galyada isla markaana la og-yahay inta ay ka kooban yihiin.
 
C/risaaq Doollar oo ka mid ah dadka Degmada Jalalaqsi oo la hadlayay HOL ayaa sheegay in sidoo kale digniin culus oo loo jeediyay ganacsatada diidda qaadashada lagacaha duugga ah taasoo maalmihii ugu danbeeyay muran ka dhex dhalisay Ganacsatada iyo dadka deegaanka, halka dhinaca kalena Al-baabada loo laabay goobaha lagu daawado Aflaanta.
 
Laakiin marka dhinaca kale la eego waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xoogagga Maxkamadaha ee ku sugan Degmada Jalalaqsi ay ka cabsi qabaan amaan-darro ka dhalata dhalin-yaro hubeysan oo xiliyada habeenkii dhibaato ka geysata Degmada, taasoo xitaa marka danbe keeni karta in ay weerarro ku qaadaan saldhigyada Xoogagga Maxkamaduhu ku lee yihiin Degmada.
 
Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ayaa gacanta ku haya inta badan Degmooyinka Gobalka marka laga reebo Degmada Beledweyne oo ay joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan dagaal culus oo ay la galeen Xoogagga Maxkamadaha kula wareegay gacan ku heyta Magaalada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia