Sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Maamulka Puntland oo maanta la xusay

Cabirka Farta

10 sano oo uu jiray Maamulka Puntland maxaa u qabsoomay?

Jimco, August 01, 2008(HOL): 1da August 2008 waxa ay ku beegan tahay sanad guuradii tobanaad markii dhidibada loo taagay maamulka dowlad Goboleedka Puntland, waana maalin ay si wayn u qadirayaan shacabwaynaha Puntland.

Munaasabado lagu xusayo 1da August ayaa maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, sida Magaalooyinka waa wayn ee Gorowe ,Gaalkacyo, Boosaaso iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

Laga soo bilaabo tan iyo intii Madaxwayne Cadde Muuse uu qabtay Xilka Madaxwayna nimo waxaa jiray horumar ay Puntland ka gaartay dhinaca dhaqaalaha iyo Ammaanka, horumarkaasna waxaa ka mid ah in la hirgeliyay qorshayaal fara badan oo wax looga qabanayo amniga Guud ee Puntland.

Puntland waxaa ay bilawday qorshe ay ku doonayso in ay la soo baxdo khayraadka ku jira dhulkeeda,iyadoo shirkado shisheey la gashay heshiis ah in la soo saaro khayraadka ku jira gudaha dhulka Puntland, waxaana arimahaasi laga bilaabay dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal.

Waxaa iyana jirta in Puntland labadii sano ee u dambaysay in fashil aad u xoog badan uu kaga yimid dhinaca Ammaanka, iyadoo Magaalooyin qaar ee Puntland ay ka dhaceen dilal kala duwan, qaraxyo iyo af-duub, kuwaasi oo khal khal galiyay amniga guud ee Puntland.

Magaalad Gorowe oo ah caasimada DGPL waxaa ka dhacay xilka qaadis wasiirro ka tirsan labada gole ee Punland kuwaasi oo uu u danbiiyay Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha C/rashiid Barkhadle.

Maamulka Puntland waxaa lagala wareegay Magaalada Laascaanood oo ahayd xarunta gobolka Sool, kana tirsanayd todobada gobol ee Puntland ay gacanta ku haysay waqtigii hore .

Ciidamada Daraawiishta Puntland waxaa soo food saaray waqtiyadii ugu danbeeyay Mushaar la,aan aad u baahsan iyo Sicir barar halakeeyay in badan oo ka mid ah danyarta Puntland.

2009 waxaa lagu wadaa in Puntland ay ka dhacdo doorasho xaq ah oo xor ah, taasi oo ay ka qeybgeli karto cid kasta oo ku abtirsata Deegaannada Puntland, waxaa arrimahaas iyo arrimo kale oo ku saabsan Ammaanka Puntland aawgood Garowe u tegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo madaxda Puntland kala hadlay in la qabto doorashooyinka Puntland xiliga loogu talagalay.
 
DHISMIHII DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND:

Kadib markii wada tashiyo badan ay yeesheen Isimada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahananada, Ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobolada ay Puntland ka koobantahay ayaa waxaa la go'aansaday in Magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedkiisu ahaa in la dhiso Maamul Dowlad Gobolee.

Intaasi ka dib shirkaasi waxaa ku soo biiray Gobolada Sool, Sanaag oo kula bahoobay Maamulka Cusub Gobolladii la isku oran jiray Waqooyi Bari.

Shirkaas waxaa ka soo baxay bartamihii 1998, Dowlad Goboleedka Puntland, taasoo leh sadexda awoodood oo kala ah, Golaha Wakiilada oo dhan 66 Xilibaan oo lab iyo dhedigba leh, Garsoorka , iyo Golaha Xukuumada oo leh Madaxwayne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Sida uu qeexayo Xeerka 1aad,. ee Axdiga ku meel-gaarka ah ee lagu dhisay DGPL, Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku dhisan.

Punland waxa ay ka mid noqotay dawlada federalka KMG ah ee Somalia , waxayna Puntland ay wadahadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo aaminsan raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad soomaaliyeed oo ku dhisan habka federaaliga ah.

Puntland waxay ka kooban tahay todobo Gobol oo kala ah.

Bari
 
Karkaar

Nugal

Mudug

Sool

Ceyn

Sanaag

3. MAAMULKA DOWLADA IYO QAYBAHEEDA
.
2.1 Qaab dhismeedka Dowlad Goboleedka Puntland.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay leedahay Sadex waaxood oo dowli ah.

Golaha Xukuumada (Madaxwayne, Madaxwayne Ku-xigeen, iyo Golaha Wasiirada oo Madaxwaynuhu Magacaabo), Golaha Wakiilada oo ka kooban (66 Xilibaan oo ka Wakiil ah dhamaan todobada Gobol ee Puntland), Garsoorka oo leh (Maxkamada Sare, Maxkamad Rafcaanka, Maxkamad Hoose)

HOGAANKA.

Madaxwayne :

Mxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse

Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da Janaayo, 2005.

Madaxwayne Ku-Xigeen :

 Xassan Dahir Maaxamuud,

Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da January, 2005.

Golaha Wakiilada :

 66 Xilibaan oo ka Wakiil ah Dhamaan Gobolada.

Madaxwaynhii Kowaad ee Puntland:

Cabdullaahi Yusuf Axmed (1998-2004), Hadana ah Madaxwaynaha Dowlada Federalka ah ee Soomaliya.

Madxwaynihii Labaad ee Puntland:

Maxamed Cabdi Xaashi oo xukunka hayey Muddo kooban (Oktoobar, 2004 – Janaayo, 2005)

3.2 CAASIMADA

Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland Waa Garoowe, Qiyaastii waxaa ku nool dad garaya ilaa 50,000

Magaalooyinka Kale ee Waawayn waa:

Bosasso, Galkacyo, Laascaanod, Qardo, Baran and Buhoodle.

DEKEDA UGU WAYN:

Dekeda ugu wayn Puntland waa. Dekeda Bosaaso

TIRADA DADKA:

Waxaa lagu qiyaasaa Puntland inay ku nool yihiin dad gaaraya, 2.7 Milyan

 Marka arimahaas oo dhan laga soo gudbo Maamulka Puntland waxa uu iminka u diyaar yahay sidii uu xooga u saari lahaa arimo badan oo la xiriira amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana shacabk Puntland ay Maanta isaga hablyeenayaan 10 sano guuradii ka soo wareegatay Markii Puntland dhidibada loo taagay.

Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan On line
[email protected]
Bosaso, Somalia