Maxamed Dheere oo sheegay in uu yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere)
Jimco, August 01, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xilka ka qaaday ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha  sharciga ah ee maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku socotay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, isla markaana isaga Ogeysiis ahaan loo siiyaya ay ku qorneyd in aanu sharciga waafaqsaneyn qaabkii xil-ka-qaadista loogu sameeyay, sidaas darteedna uu weli yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Sababtii ay Xukuumadda Federaalka xilka uga qaaday ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay taasi la xiriirto khilaafaadyo soo kala dhexgalay isaga iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo sida uu u yiri Ninka haatan loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir.

“Arrimo badan oo na dhexmaray anigaiyo Nuur Cadde ayaa jira, kuwaasi oo aanan horay u soo bandhigin, laakin hadii sheekadan la sii wad-wado waan sheegi doonaa”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu colaad gaar ah u qabo.

Markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in Xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir laga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Dheere in xil-ka-qaadistiisa uu ka dhiman yahayogolaanshaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sida uu yiri aqbalay magacaabistiisii hore.

Ugu dambeyntiina, Marka laga soo tago sheegashada Maxamed Dheere ee ah in uu weli yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ma jiro weli qoraal si rasmi ah uga soo baxay Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo qeexayay cidda ah Guddoomiyahasharciga ah ee  Maamulka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia