Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo ka shiraya dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya iyo sida xal loogu heli karo

Cabirka Farta


Jimco, August 01, 2008(HOL): Waxaa maalintii saddexaad galay aqoon si-weydaarsi ballaaran oo culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah uga socda Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho, iyadoo  dulucda aqoon is-weydaarsigana ay  tahay doorka Culumaa'udiinka ee ku aadan xasilinta dalka iyo ku baraarujinta Dadka sida Diinta Islaamka fareyso in qofka muslimka ah gacantiisa iyo afkiisa laga nabad galo.

Aqoon isweydaarsigan oo ay ka qeyb qaadanayaan in ka badan 50 Culumaa'udiin ayaa waxay wararku sheegayaan in ay ka soo saari doonaan bayaan ku aadan xaalada dalka uu marayo, iyadoo Culumaa'udiinka balan qaaday in ay dadka ku baraarujin doonaan Waxa ALLE reebay in laga reebtoonaado

Afhayeenka Culimada Ahlu Sunaha Waljamaacah ayaa sheegay in aqoon isweydaarsigooda uu yahay mid ku qotoma hadba sida ay tahay xaalada dalka uu marayo iyo dhibaatooyinka sii daba dheeraaday sidii Culimada ay ugu wajihi lahaayeen qaab ku saleysan DIINTA ISLAAMKA.

Aqoon Isweydaarsigan ayaa culumaa'udiinka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Mashaa'iqyo caanka ah Dalka, kuwo ka yimid Masaajidada Gobolada Dalka.

Culumaa'udiin ay ka mid yihiin Sheekh Muuse Cadde, Sheekh Sayid Aba Cali iyo Sheekh C/qaadir Soomow ayaa ku dheeraaday xaalada nabadgelyo ee haatan dalka marayo, dilalka qorsheysan ee lagula kacayo shaqaalaha sama falka ee ka howl gala dalka iyo Dilalka loo geysanayo dadka wax tarka u leh Bulshada iyo waxa ay diinta Islaamka ka qabto.

Sidoo kale Culimadu waxay ka doodeen sida Diinta Islaamka u xaaraantinimeysay in qof muslim ah qof kale loo dilo iyo waxa uu kala kulmaayo ALLE agtiisa, taasoo ay caddeysay Diinta Islaamka, loona baahan yahay in lagu dhaqmo Diinta waxa ay fareyso lagu dhaqmo, waxa ay reebeysana laga reebtoonaado.

Aqoon is weydaarsigan ayay sidoo kale culimadu kaga hadleen waajiibaadka ballaaran ee culimada ka saaran ku wacyi gelinta bulshada dhinaca wanaaga iyo in laga reebtoonaado waxa ALLE xarimay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in loo istaago in nabad laga dhex dhaliyo bulshada, isla markaana la is cafiyo.