Jimco, August 01, 2008(HOL): Waxaa isa soo taraya warar ku saabsan in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kaasi oo salka ku haya xil-ka-qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Wararku waxay intaas ku darayaan in khilaafkan uu soo baxay kadib markii uu Madaxweyne Yuusuf diiday in uu aqbalo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in khilaafka uu dhashay intii uusan Ra’iisal Wasaaraha Xil-ka-qaadista sameynin hayeeshee uu qorsheynayay.
Khilaafka soo kala dhexgalay labadan mas’uul oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Fedeaalka Soomaaliya ayaa haddii uu khilaafkooda sii socdo uu keeni karaa in ay dhaqaaqi waayeen howlo badan oo ay wadday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan tahay dib u heshiisiin ay la wadday Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in khilaafkan uu saameeyay Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegayo in ay la kala safteen madaxda Dowladda ee is-khilaafsan, iyadoo taasi
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankeeda uu ku egyahay 22-ka Agoosto ee sanadka soo socda ayaa wuxuu waqti badan kaga lumay khilaafyo soo kala dhexgalay madaxdeeda sare, iyadoo ay xusid mudan tahay in sidoo kale ay waqti badan ku qaadatay sidii ay Magaalada Muqdisho ku imaan lahayd.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia