|
|
| Qaar ka mid ah Ciidamada Amisom oo socda Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho |
Askarigan oo ka tirsanaa Ciidamo howlgal miino baaris ah ka sameynayay Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4 ayaa waxaa ku qaraxday Miino u akayd in ay ahayd miinooyinka meelaha fog laga hago.
Qaraxaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu jar-jaray hilibkii askariga, kaasi oo qeybo ka mid ah jirkiisa laga soo uruuriyay guryo u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.
Wax yar kadib markii uu qaraxaas dhacay ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo howlgallo ay sameeyeen ku qabtay Wadaado Tabliiq ah oo ku jiray Masjid ku yaala nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo beryahan magaalada Muqdisho ay ka soo yaraadeen qaraxyadii joogtada ahaa ee ka dhici jiray, kuwaasi oo marka laga soo tago in lagu waxyeeyo saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay dhinaca kale waxyeello ka soo gaari jirtay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee,wuxuu ahaa qaraxii labaad oo Ciidamada Amisom lagula beegsado inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna ahayd mar sii horeysay markii qarax sidan oo kale loola beegsaday ay ku dhaawacmeen shan Askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia