Talaado, April 08, 2008(HOL): Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof is-miidaamiyay ayaa galabta waxaa lagu qarxiyay fariisin ay Ciidamada Burundi ee Muqdisho ku sugan ku leeyihiin Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed.
Qaraxaas oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa uu geystay dhimashada askari ka tirsan Ciidamada Burundi iyo dhaawac soo gaaray Dad rayid ah oo markii qaraxa dhacayay marayay agagaarka Jaamacaddii Umadda, iyadoo jiraan warar kale oo sheegaya in ay qaraxa ku dhinteen dad kale oo rayid ah.
Qaraxan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa sheegtay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya, iyadoo uusan ahayn qaraxii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lala beegsado fariisimo ay Ciidamo ku sugan yihiin.
Horayna Gaadiid Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay kaxeynayay rag naftooda huray ayaa waxaa lagu qarxiyay Fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku yaala Ceel Carfiid, Xeradii Asluubta, Xarunta Warshaddii Oomada Avv. Xasey ee Magaalada Baydhabo iyo Guri uu Muqdisho ka deganaa Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, iyadoo qaraxyadaasna ay geysteen dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Dhanka kalena, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa lagu weeraray Madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray iyo khasaaraha ay geysteen intaba.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia