Maamulka Gobalka Hiiraan oo Xabsiga ka sii dayay Ganacsato loo xir xiray Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne

Talaado, April 08, 2008(HOL): Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Xabsiga ka sii dayay qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada, kadib markii uu Maamulku ku soo eedeyay in ay ku lug lahaayeen Qaraxii Maalintii shalay ka dhacay Magaalada Beleldweyne kaa oo inta la og-yahay ay ku geeriyoodeen 6 Ruux oo rayid ah 27 kalana ay ku dhaawacmeen.
 
Gacansatada Xabisga laga sii dayay ayaa qaar ka mid ah waxaa ay sheegeen in xarigoodu ahaa mid sharci daro ah madaama Maamulku uusan sameyn wax baaritaan ah ka hor inta aan Xabsiga la dhigin, waxaana ay intaa ku dareen in aysan ka hari doonin sida ay hadalka u dhigeen Xuriyad ka qaadista lagu sameeyay.
 
"Ma haboona in markii la abaaro Ganacsatada marka ay wax dhacaan, taana waxaan u arki karnaa in lagu xalaaleysanayo hantida aan leenahay, runtiina Qaraxii dhacay Maalintii shalay ma jiro qof damiir leh oo taageero siin karay'' ayuu yiri mid ka mid ah Ganacsatada oo ka gaabsaday magaciisa sababo dhinaca Amaankiisa la xiriira.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa dhawaan hadal uu jeediyay ku sheegay in Maamulku uu ka warqabo in ay jiraan Ganacsato maalintiina ka shaqeysta Magaalada habeenkiina xiriir la leh kuwa xumaanta ka shaqeynaya, waxaana uu intaa ku daray in aan loogu dulqaadan doonin sida uu hadalka u yiri dhaqanka noocaa oo kale ah.
 
Laakiin marka dhan laga eego is jiid-jiidka mar walba u dhaxeeya Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Ganacsatada Magaalada Beledweyne ayaa la oran karaa waa mid salka ku heysa aragtida mar walba laga qabo Ganacsatada ee ah in ay gacan weyn oo taageero siiyaan Maxkamadaha Islaamiga, inkastoo hadana aysan jirin fasiraad dhab ah oo arintaa macno u sameyneysa.
 
Qaraxii maalintii shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa wali ka sii guuxaya maskaxda inta badan shacabka ku dhaqan Magaalada oo maata qaarkood lagu arkayay iyaga oo soo buux dhaafiyay Goobtii maalintii shalay Qaraxu ka dhacay, waxaana marka aad dhagta u sii raariciso erayada ay is dhaafsanayaan dadkii halkaa isku wareystay kuu soo baxaya sida dadku u dhibsaday falkii shalay dhacay iyo waliba shakiga ay wali ka qabaan in mar kale uu soo laaban karo  maadama uusan jirin nidaam awood leh oo wax ka qaban kara kuwa ku kacaya arimaha lidka ku ah nabad-galyada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia