Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Jabuuti

Talaado, April 08, 2008(HOL): Waxaa magaalada Djibouti ee  Dalka Jibouti gaaray wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Maaliyadda iyo Warfaafinta  Maxamed Cali Xaamud iyo Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan ayaa waxay ka soo kicitimeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo aan rasmi ahaan la ogeyn waxa uu ku saabsan socdaalka wafdiga ka socda Dowaldda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo aan war rasmi ah laga heynin waxa uu ku saabsan yahay socdaalka uu Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku joogo hadana waxaa jira warar sheegaya in Wafdigan uu casuumaad ka helay Dowladda Jabuuti oo iyadu ka mid ah Dowladaha sida weyn ugu howlan xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa Dalka Jabuuti gaaray Wafdi ka socday Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, kaasi oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golahaas Maxamed Xasan Xaad, isla markaana ay xubno ka ahaayeen Axmed Diiriye Cali iyo C/llaahi Xasan Abuukar oo kala ah Afhayeennada Dhaqanka iyo Siyaasadda ee Golahaas, lamana oga in wafdigan iyo midka Dowladda ay halkaas ku ballansanaayeen.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegaya waxa ay ku saabsan yihiin socdaallada ay madaxda labadaas dhinac ku joogaan Dalka Jabuuti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia