Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Afar Irdoodka Baydhabo

Talaado, April 08, 2008(HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday 7 Ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii qarax bambaano lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Afar Irdoorka Baydhabo.

Qofka geeriyooday iyo dadka kale ee dhaawacmay ayaa gebi ahaantood waxay ahaayeen dad rayid ah oo ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay, waxayna dadka dhaawacmay isugu jiraan kuwo ay haleeshay rasaas ay qaraxa kadib fureen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwo uu soo gaaray firir qaraxa ka dhashay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ee qaraxa lala beegsaday ay ceyrsadeen qof ay u maleeyeen in uu ka dambeeyay qaraxa, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn in ay soo qabteen iyo in uu ka baxsaday intaba.

Wuxuu ahaa qaraxii labaad oo muddo 48 saacadood gudahooda ka dhaca magaalada Baydhabo, wuxuuna qarax midkan ka horeeyay ka dhacay agagaaraha Bangiga Baydhabo, iyadoo qaraxaasina uu sababay in ay dhinteen Seddex Ruux, Lix Ruux oo kalena ay ku dhaawacmaan.

Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan dambe ammaankeeda wuxuu ahaa mid aan hagaagsaneyn, waxaana ku soo badanayay dilal loo geysto saraakiisha ciidamada iyo weliba qaraxyo lala beegsado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gudaha Baydhabo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia