Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in laga wanaagsan yahay in xiligan soo saaris Shidaal laga doodo iyadoo ay Dad baahi u dhimanayaan

Talaado, April 08, 2008(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka hadlay fadhi uu Baydhabo ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ka hadleen arrimaha sicir-bararka ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa waxay sheegeen in laga wanaagsan yahay in uu Baarlamaanka isku mashquuliyo ka doodista arrimo ku saabsan soo saarista shidaalka iyadoo ay jiraan Dad baahi u dhimanaya iyo kuwo uu saameeyay sicir barar sii baahaya oo ka taagan Dalka Sooamaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa soo jeediyay in Baarlamaanka hortiisa looga yeero Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadibna wax laga weydiiyo arrimaha sicir-bararka ee ay shacabka ka cabanayaan.
 
Sidoo kalena, Xildhibaan Zubeyr oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in maadaama uu baarlamaanka Shacabka metelo loo baahan yahay in uu ka hadlo arrimaha taagan ee shacabka uu ka cabanayo, halkii laga doodi lahaa arrimo Shidaal soo saaris iyo waxyaabo kale oo sida uu yiri aaney hadda baahidooda taagneyn.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex taagan dood ka dhalatay Sharci Baarlamaanka la hor-keenay oo ku saabsan baarista iyo soo saarista Shidaal ku jira deegaano hoos-yimaada maamul goboleedka Puntland, iyadoo doodda arrintaasna ay tahay mid taagan heer xasaasi ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Maamul Goboleedka Puntland iyo Xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Prof. Cali Maxamed Geeddi ay mar isku qabteen arrimaha soo saarista Shidaalka ku jira deegaannada Puntland.

Si kastaba arrintu ha ahaatee,  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa inta badan waqtiga jiritaankiisa wuxuu ku qaatay Magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah, iyadoo uusan weli ku shaqeynin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sababo dhinaca ammaanka ah aawgood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia