Talaado, April 29, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta casir-liiqii waxaa uu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka oo la isugu adeegsadsay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowaldda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa agagaarka Hotelkii Taleex ee Degmada Hodan, iyadoo kadibna uu dagaalka ku faafay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmadaas.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaase la sheegay in Isbitaalka Madiina la gaarsiiyay dhowr qofood oo ku dhaawacmay dagaalkii galabta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan.
Dhanka kalena, waxaanan la ogeyn khasaaraha dagaalkan ka soo gaaray dhinacyadii uu dagaalka u dhaxeeyay, kuwaasi oo dagaalkooda uu saameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmada Hodan iyo weliba Degmooyin kale oo la deris ah.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid ka tirsan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyay oo ka hadashay dagaalkan iyo khasaaraha uu geystay, inkastoo ay waqti hore tahay in la helo khasaaraha uu dagaalkan geystay sabab la xiriirta iyadoo weli la maqlayo rasaas teel teel ah oo ay labada dhinac isku ridayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia