BAAQ
Qaar ka tirsan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub iyo Waqooyiga America
Tuesday, April 29, 2008
Annagoo ka tirsan Jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika waxaan si kulul u cambaareynaynaa dawladda Ethiopia oo ciidammadeeda sharcidarrada ku jooga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay si aan kala sooc lahayn madaafiic ugu xasuuqeen maati iyo dad shacab ah oo aan hubeysnayn taasoo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Sidoo kale waxaan si kulul u cambaareynaynaa falalkii waxshinnamada ahaa iyo dilkii gowraca ahaa ee loo geystay culuma’aaddiinkii tabliiqa ahaa iyo imaamkii masjidka Al- Hidaaya Allaha u naxariisto Shekh Saciid Yaxye, waxayna Culumadaasi dhammantood caan ku ahaayeen fidinta diinta islaamka iyo nabad ka islaaxinta geyiga soomaaliyeed.
Waxaan cambaareyn u soo jeedinaynaa mas’uuliyiinta dawladda ku meel gaar ah kadib markii ay si bareer ah u difaaceen fal gumaadyadii ciidamada Ethiopiaanka shacbiga u geysteen kana hortegiwaayeen maatida hortooda lagu gawracay iyo xasuuqa dadweynaha aan hubeysnayn iyo afduubka carruurta yaryar ee ciidammada Ethiopia xarumahooda ku haystaan intaba.
Sidoo kale, waxaan dhalliil usoo jeedineynaa beesha caalamka gaar ahaan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo indhaha ka qabsaday xasuuqyada isdaba jooga ah oo ay ciidamada Ethiopia ka geysteen goobaha lagu cibaadeysto, isbitaallada iyo dugsiyada waxbarashada, waxaana Golaha Amniga ugu baaqeynaa in ay degdeg u soo farageliyaan una magacaabaan Guddi Xaqqiqa-raadin ah oo soo baara fal-dembyeedka soo noqnoqday oo ay ciidamada Ethiopia ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Ciidamada Ethiopia waa horor, joogitaankooda Soomaliyana waa sharcidarro, saa darteed waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay u midoobaan difaaca diintooda iyo dalkooda, wada hadal dhab ahna uga gudbaan khilaafaadka yar yar ee dhaxdooda ah si ay uga hortagaan xasuuqyada iyo falalka isir baabi’inta ah oo sida joogtada ah ciidamada Ethiopia uga wadaan geyiga Soomaaliya tan iyo markii ay dalkeenna sharcidarrada ku soo galeen, ”qof qorrax kugu dilay hoos kuuma jiido” maahmaahdii ahayd yaan la iloobin ayaan ummadda u raacineynaa baaqa aan bixineyno.
Ugu dambeyn waxaan tacsi murugo leh u direynaa dhammaan ummadda soomaaliyeed iyo gaar ahaan ehaladii dadka sida xaqdarrada ah ciidammada Ethiopia u laayeen. Waxaan inta ku nafweyday xasuuqaas Eebbe uga baryeeynaa inuu jannadii ka waraabiyo, ehaladoodii iyo ummadda soomaaliyeedna samir iyo iimaan uu ka siiyo. ”INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN”.
Saxiixayaasha baaqan:
1) Inj. Cabdulqaadir Sh. Yusuf Guuleed ” Europe”
2) Prof. Xasan M. Comar (Okiyo) ” ”
3) Dr. Nuur Cilmi Cosmaan U S A
4) Dr. Mire Cali Siyaad ” ”
5) Eng Cali Max’ed Comar (Balcad) U S A
6) Cali C/qaadir Axmed Fiqi (Shombe) ” ”
7) Dr. Cabduraxmaan M. Axmed (Yare) ” ”
8) Xaaji Axmed Macallin (Baraako) ” ”
9) Dr. C/qaadir Y. Hirabe ” ”
10) Dr. Axmed Cali Culusow ( Dhegadheere) ” ”
11) Islaw Muxidiin C/qaadir A. Fiqi ” ”
12) Col. Cabdullahi Cali Macow ” ”
13) Cali Comar Geedow (Garabeey) ” ”
14) Cosmaan Xasan Cali ( Malaaq) ” ”
15) Macallin Axmed M. Xalane ” ”
16) Fawzi Barre Caamir ” ”
17) Moxamed Cabdullahi Gabayre ” ”
18) Dr Maxamed Gurxan Cilmi Europe
19) Dr. Abuukar Max”ed Caddaani (Jurux) ” ”
20) Axmed Max’m ed Mox’oud (Sh. Axmed) ” ”
21) Cabdirizaq Macallin Cali ” ”
22) C/qaadir Axmed Mox’oud ” ”
23) Axmed Cabdicaziz Mox’ed ” ”
24) Maxamed Xasan Tooxow ” ”
25) Daahir Xasan Mox’oud ” ”
26) Comar Nuur Comar ” ”
27) Cabdirizaq Jimcaale Yarow ” ”
28) Ibraahim Axmed Moxamed ” ”
29) Jaamac Xasan Maxamed (Jaaamaceey) ” ”
30) Dr. Abuukar Cali Jimcaale Gaduud ” ”
31) Jimcaale Raage Comar ” ”
32) Cali Mox’oud Xiirane ” ”
33) Axmed Cabdikarim Cali (Gabayre” Europe
34) Cabdullahi Macallin Xasan (Gacameey) ” ”
35) Cabdullahi Ibraahim Cali (Gurey) ” ”
36) Mox’oud Axmed Kulane ” ”
37) Daa’uud Sh. Axmed Gargaduud ” ”
38) Cabdi Maxamed Sabriye U S A
39) Mox’oud Macallin Nuur ” ”
40) Cabdisamed Cageey ” ”
41) Cabdisalaam Cabdullahi Gabayre ” ”
42) Dr. Muuse Faarax ” ”
43) Axmed Macallin Idaajaa ” ”
44) Suldaan Daa’uud Canshuur Warsame ” ”
45) Dr. Ibraahim Shekeeye ” ”
46) Muuse Geedi Farayare ” ”
47) Col. Cabdi Xaashi ” ”
48) Cabdullahi Camalow ” ”
49) Inj. Maxamed Macallin ” ”
50) Safiyo M. Diini ” ”
51) Maxamed Cabduraxmaan Gaalkacyo ” ”
52) Xaaji Cabdulle Farmashiye ” ”
53) Macallin Axmed M. Xalane ” ”
54) Comar Maxamoud Xalane ” ”
55) Bashiir Mire Cali ” ”
56) Col. Maxamed Canshuur ” ”
57) Xaaji Comar Casharow ” ”
58) Inj. Maxamed Shekh ” ”
59) Kaaho Jareeste ” ”
60) Shuceyb Geedi ” ”
61) Ciise Guure Cali Cundo U S A
62) Cabdullahi Ganbiye ” ”
63) Maxamed Xasan Diiriye ” ”
64) Maryan Weheliye Shilaal ” ”
65) Dr. Adan Cabdulle Gaabow ” ”
66) Maxamed Shekh Ibraahim ” ”
67) Inj. Badel Mohamed ” ”
68) Inj. Ahmed Liibaan " ”
69) Dahir M. Abdulle " "