Kooxda Caalamiga ah ee La-Xiriirka Soomaaliya oo ka shiraya Xaaladda Dalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, April 29, 2008(HOL): Magaalada Oslo ee Caasimadda u ah Dalka Norway ayaa berri waxaa ka furmaya shir ay isugu imaanayaan xubnaha ku bahoobay Kooxda Caalamiga ah ee La-xiriirka Soomaaliya (International Contact Group), iyadoo shirkaasina looga hadlayo arrimo ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya.

Shirka ay Kooxdan ku yeelaneyso magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimaha Siyaasadda, Nabadgelyo iyo mida Bani’aadannimo ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena laga wada hadli doono arrimo ku saabsan dib u heshiisiinta haatan socota ee la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya oo ay shirarkooda si wada jir ah u shir guddoomin jireen wadamada Mareykanka iyo Norway ayaa  la qorsheynayaan in guddoominta shirarka lagu wareejiyo Qaramada Midoobay oo haatan si weyn ugu howlan xal u helidda mushkiladda 17 sano jirsatay ee Soomaaliya ka taagan.

Shirka ay leeyihiin Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya ayaa inta ay ku shirsan yihiin Dalka Norway waxay sidoo kale ka wada hadli doonaan arrimo ku saabsan khatarta ka timid Xeebaha Soomaaliya iyo  kooxo Burcad Badeedka ah ee ka dillaacay.

Dowladda Norway oo shirkan martigelineysa ayaa waxay sheegtay in ay sii wadi doonto dadaalka xalka loogu raadinayo Soomaaliya, “door hoggaamineed ayaan ka ciyaareynaa taageeridda dadaalka UN-ka ugu jiro xal u helidda mushkiladda Soomaaliya”ayuu yiri Raymond Johansen oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaalida oo la aas-aasay sanadkii 2006 ayaa waxay horay u yeesheen shirar dhowr ah oo ay uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya, ilaa iyo haatanna ma jiraan wax muuqda oo ay kulamadaas ka bedeleen xaaladda dalka Soomaaliya oo haatan mareysa meeshii ugu xumeyd marka loo eego xaaladaha nabadgelyo iyo nolol la’aaneed ee ka jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia