Talaado, April 29, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta waxay la wareegeen fariisin ay horay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ku lahaayeen Deegaanka Siinka Dheer oo u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa waxay la wareegeen fariisinkaas kadib markii iyagoo socda oo ka yimid dhinaca Degmada Afgooye ay ka dul-yimaadeen Ciidamada Dowladda oo ay saf ugu jiraan Gaadiid badan oo kuwa Dadweynaha ah, kuwaasi oo laga qaadayay lacag dhan midkiiba 15 Kun Sh. So taasi oo ay Gaadiidleyda bixiyaan mar kasta oo ay halkaas marayaan (sii socod iyo soo socod), waa sida uu sheegay Maxamed Cali Axmed oo ka mid ah Darawaliinta Gaadiidkii lacagta laga qaadayay.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay qaadeen Jid-gooyo Siinka Dheer u taalay Ciidamada Dowladda, iyagoo amar ku siiyay Ciidamadii Dowladda in aaney qaadi karin wax lacag ah, halka ayba jiraan warar kale oo sheegaya in Ciidamadaas lagala wareegay hubkii ay heysteen, dabadeedna amar lagu siiyay in ay iska kala tagaan.
Fariisinka Deegaanka Siinka Dheer ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah, mana jiraan wax lacag ah oo laga qaadayo Gaadiidka BL-ka ah ee Wadadaas isticmaala.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma jiro ilaa iyo haatan mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo arrintan ka hadlay, waxaana xusid mudan in Ciidamada fariisinkaas joogay ay hoos-tagaan Maamulka Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia