Guddoomiyaha Gobolka Bay oo beeniyay in ay Xoogag ka amar Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyin ka tirsan Gobolkaas

Cabirka Farta

Talaado, April 29, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa wuxuu beeniyay warar beryahan laga soo sheegayay deegaanno ka tirsan Gobolka, kuwaasi oo ahaa in Degmooyinka gobolka Bay qaarkood ay gacan ku heyntooda la wareegeen Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

C/fatax Ibraahim Geesey waxaa uu sheegay in aysan wararkaasi waxba ka jirin, wuxuuna sheegay in ay kaliya jireen maleeshiyooyin deegaanka ah oo sida uu yiri soo mar-maray qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka, “Warkaas waxba kama jiro, waxaana jiray kaliya in Maleeshiyooyin Deegaanka ah oo Nabad-diidayaal ah ay soo mareen degmooyin ka tirsan Gobolka Bay”ayuu yiri C/fataax Ibraahim Geesey.

C/fataax Ibraahim Geesey waxaa uu sidoo kale beeniyay war ay shalay baahiyeen qaar ka mid Saxaafadda Soomaalida, kaasi oo ahaa in qarax ka dhacay duleedka Baydhabo ay ku dhinteen Ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in qaraxaas uu jiray balse aysan Ciidamo Itoobiyaan ah ku dhiman.

Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Geesey oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay qorsheynayaan in ay wax ka qabtaan amni darro laga soo sheegayo Deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka, wuxuuna sheegay in ay tallaabooyinka arrintaas si dhaqsi ah u qaadayaan.

Hadalka C/fataax Geesey ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu dhawaan sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool, isagoo sheegay in ay doonayaan in ay Gobolladaas ka sifeeyaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka Gobolka Bay ee uu Guddoomiyaha ka yahay C/fataax Ibraahim Geesey ayaa wuxuu yahay mid cusub oo tan iyo markii la magacaabay aan la wax muuqda ka qaban waxyaabihii ay madaxda gobolka ballanqaadeen in ay wax ka qabanayaan markii la dooranayay, kuwaasi oo ay ugu horeyeen sugidda nabadgelyada iyo weliba soo celinta adeegyada Bulshada

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia