Ciidamo Madani ah oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Cabirka Farta

Sabti, April 26, 2008(HOL): Gacan ku heynta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa la wareegay Ciidamo Madani ah oo raacsaneyn Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ka soo horjeeda.

Ciidamadan oo ka yimid dhinaca Degmada Mahadaay iyo deegaannada hoos-yimaada ee isla Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay haatan ku sugan yihiin Waddooyinka laga soo galo Magaalada Jowhar, waxayna dadka u sheegayaan in ay ammaanka  sugayaan.

Macallin Haaruun Xaaji Nuur oo ka mid ah Hor-joogayaasha Ciidamadan ayaa sheegay in ujeedada ay u yimaadeen Degmada Jowhar ay tahay sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen, bacdamaa uu meesha ka baxay maamulkii ka talinayay Degmada Jowhar iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe guud ahaan.

Macallin Haaruun Xaaji Nuur waxaa uu intaas ku daray in ay howlgallo ka sameeyeen wadada isku xirta Degmada Jowhar ilaa Buurane, halkaasina ay ka qaadeen ilaa 19 Isbaaro oo Kooxo Burcad ah u taalay, wuxuuna caddeeyay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay Burcadda kula dagaalamayaan.

Ciidamadan Madaniga lagu sheegay ayaa waxay Magaalada Jowhar yimaadeen kadib markii ay xalay saqdii dhexe magaaladaas isaga baxeen Ciidamadii maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo la sheegay in ay u baqooleen dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta sare ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyntiina, Magaalooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Balcad  oo ka wada tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan waxay yihiin kuwo aanu wax maamul ah ka jirin, waxayna maamul la’aan noqdeen kadib markii dhowr jeer ay gacan ku heynta degmooyinkaas la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia