Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo saaka howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Dayniile iyo Yaaqshiid

Cabirka Farta

Sabti, April 26, 2008(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa waxay saaka howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degooyinka Yaaqshiid iyo Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo ka kala tegay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa meelaha ay ka howlgaleen waxaa ka mid ah Xaafadaha T-da, Dibiley iyo Xoolo-qalka ee Degmada Dayniile iyo Xaafado u dhow  Qabuuraha Barakaat iyo Jaamacadda Muqdisho, kuwaasi oo iyana ka tirsan Degmada Yaaqshiid.

Xaafadaha ay Ciidamadan howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa isaga cararay dadkii deganaa kadib markii ay maqleen in ay Ciidamo ku soo socdaan, waxayna qaar ka mid ah Dad deganaa xaafadahaas oo sii cararayay ay sheegeen in ay ka baqayaan in ay Ciidamada dhibaato u geystaan.

“Waxaan ka baqnay in ay Ciidamadan nagula kacaan falal la mid ah kuwii  ay dhawaan ka geysteen Degmada Huriwaa, isla markaana ay na gowracaan”ayuu yiri Axmed Cumar Maxamed oo ka mid ah Dhalinyaro ka carartay Xaafadda T-da ee Degmada Dayniile.

Ciidamadan Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jira ayaa la sheegay in intii ay howlgallada sameynayeen ay qabteen dad dhalinyaro u badnaa, kuwaasi oo markii ay cabaar hayeen ay sii daayeen.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta howlgallo ka sameeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siiya, iyadoo howlgalladaasina ay yihiin kuwo aan wax la taaban karo ku soo kordhin nabadgelyo xumida ka jirta Magaalada Muqdisho

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia