Tacshiirad ay fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo sababtay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dad Rayid ah

Cabirka Farta

Sabti, April 26, 2008(HOL): Tacshiirad ay maanta  fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan meelo kala duwan oo Muqdisho ah ayaa waxay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Hal Ruux ayaa ku geeriyooday, afar ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Ciidamo ku sugan Isgoyska Florenza ay rasaas raacsiiyeen Wadada Wadnaha, gaar ahaan nawaaxiga Hotel City View, walow xiliga ay rasaasta  furayeen ay ka jawaabayeen rasaas ay ku soo fureen kooxo weerar ku soo qaaday.

Nin Rayid ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa Macalimiinta Dugsi Waxbarasho oo ay maamusho Hay’adda Saacid ayaa geeriyooday kadib markii ay rasaas ku fureen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska Maana-boolyo ee magaalada Muqdisho, iyadoo rasaastaasina ay dad goob-joogayaal ah sheegeen in loola dan lahaa gaari ka cararay Ciidamada, kaasi oo aan la sheegin wixii uu u cararay.

Sidoo kale Qof  Rayid ah ayaa ku geeriyooday Isgoyska KM5 kadib markii Ciidamo halkaas ku sugnaa ay rasaas ku fureen gaari taargo la’aan ahaa oo darawalkii waday ay Ciidamada ku amreen in uu joogsado hayeeshee uu darawalkii gaarigaas kaxeynayay ka madax adeygay, dabadeedna uu ka cararay.

Labo qofood oo Rayid ah ayaa dhaawacantay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku rasaaseen Deegaanka Raadeerka ee Degmada Dayniile. Lama sheegin sababta rasaasta loogu furay labadan ruux ee dhaawacantay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay rasaas aan loo meel dayin ku furaan Dad  ay u jeedaan in aysan hubeysneyn, dhawaan ayayna markii ay 7 ruux ku dhaawacantay gaari BL ah kaasi oo uu Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu rasaaseeyay kadib markii darawalkii gaarigaas waday uu diiday in uu bixiyo lacag 2 kun oo Shillin ah oo Ciidamo ku sugan agagaarka Shineemo Muqdisho ay u qaataan wax ay ugu yeereen qorax-joog ahaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia