Sabti, April 26, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Cumar Ibraahim Shaacshaac ayaa sheegay in Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay xalay dab qabadsiiyeen guri uu degan yahay Taliye ku xigeenka Degmada Dharkeenley.
Afhayeenka waxaa uu sheegay in markii guriga la gubayay uu Taliye ku xigeenka ka maqnaa, balse ay ku sugnaayeen Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, kuwaasi oo uu sheegay in dabkii la qabadsiiyay ay ka badbaadiyeen Dadka Deegaanka iyo Ciidamada Booliska oo u soo gurmaday.
“Waa Fal ka baxsan Bani’aadannimada in la gubo guri ay Dad rayid ah ku sugan yihiin, waxaana dhihi karnaa kooxihii falkaas ku kacay waxay ahaayeen kuwo aan lahayn damiir Bani’aadannimo”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeeed C/llaahi Cumar Ibraahim Shaacshaac oo sheegay in baaritaanno ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ay falkaas ka dambeeyeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Dhanaka kalena, Dad 10 Ruux ka badan ayay Ciidamada Dowladda Federaalka maanta ka qabqabteeen Xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley kadib howlgal ay sameeyeen, waxaana la sheegay in ay dadkaasi isugu jiraan ilmo Ciyaar School ah oo waxbarasho u socday iyo Rag shaqo u sii kalahayay.
Ugu dambeyntiina, Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay weerarro lagu qaado Saldhigga Ciidamada Degmadaas iyo weliba Ciidamada howlgallada ka sameeya gudaha Degmada, waxayna taasi wel wel ku abuurtay Dadka ku dhaqan Degmada Dharkeenley oo isugu jira kuwo horay u deganaa iyo kuwo dhawaan qax ku tegay kadib markii uu xumaaday ammaanka xaafadahooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia