Sabti, April 26, 2008(HOL): Guddi isku dhaf ah oo ka kala socota Ganacsatada Laydhka Somaliland, Islamarkaana sida la sheegay ay ku jiraan Maareeyayaasha Warshada laydhka Hargeysa iyo Wakaalada Biyaha oo ka cabanaya sicir-bararka Shidaalka ayaa shalay la kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.
Sida uu qoray Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, oo soo xiganaya illo xog-ogaal ahi, Gudigan waxay ku horeeyeen Wasaarada Ganacsiga oo ay kala hadlayeen arrinta Qiimaha shidaalka dalka ay keento shirkadda TOTAL ee cirka isku shareeray dhawaanahan iyo in aan la kordhin karin adeegyada oo bulshadu la ciirciirayso Sicir bararka maciishada, dhaqaale xummo iyo shaqo la’aan ayna keeni karto dhibaato. Waxa kale oo la sheegay in Gudigu u tilmaameen in laba arrimood xumuumadu mid ogolaato, in dunida laga raadiyo shidaal jaban oo cid waliba keento iyo inay ka dhimaan qiimaha shidaalka shirkada Total ku iibinayso. Warku waxa uu intaa ku daray in Wasaarada Ganacsigu isu dhaafisay dhinaca Madaxtooyada oo Gudigan iyo Wasiirka ganacsiga oo wada socdaan la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka.
Sida uu Wargeysku ka soo xigtay Ilo u dhuun daloola kulankaasi, Madaxweyne ku xigeenku wuu ka garaabay dhibaatada sicir bararka Xadhkaha goostay keeni karo, Islamarkaana waxa uu u qabtay gudigaasi sida la sheegay balan dambe ay wada jir ugula kulmayaan Madaxweynaha.
Wasiirka Ganacsiga oo gudigan labadii Maalmood ee ugu danbeeyay kulamo la lahaa oo shalay xafiiskiisa saxaafadu ku weydiisay waxa ay isla gaadheen gudigaasi ayaa ku dooday inay isla garteen in dunidoo dhan shidaalku ka kacay. Hase ahaatee, muu bixinin faah-faahin intaa dhaafsiisan oo kulamadaa la xidhiidha. “Dunidu way kabtaa shidaalka, oo tusaale ahaan Itobiya oo kale way kabtaa. Dhaqaaleheenu wax saamaxaya inay-nu ku kabnaa ma jiro, wixii ay dawladu ka qaban kartaana asalkeedaba wuu iska koobanyahay hadii aynaan hadal doonaynin” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Suuqyada Magaalooyinka Somaliland, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay la ciir-ciirayay ama la daalaa-dhacayay sicir-barar ku yimi Maceeshadda quutal-daruuriga ah iyo waliba Shidaalka. Kaas oo magaalooyinka qaarkood ay shaqadii joojiyeen Kaalmaha Shidaalku, iyaga oo ku sababeeyay in markii uu kor u kacay qiimaha shidaalku, aanu jirin qiime go'an oo ay u gooyaan.
Sidoo kale, Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa iyaguna ka hadlay arrinta kor-u-kaca qiimaha Shidaalka iyo Maceeshadda kale. Iyaga oo Shirkadda TOTAL ee shidaalka dalka keenta ku eedeeyay inay tallaabada ay doonto ka qaaddo Shidaalka iyo Qiimahiisa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland