Dhaqtarad Ruush ah oo maanta laga af-duubtay Suuqa Bakaaraha, saacado kadibna la sii daayay

Sabti, April 12, 2008(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddeedii dib u heshay Drs. Khadiija oo dhalashadeedu tahay Ruush, taasi oo ay maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ka af-duubteen Rag hubeysan oo ka kaxeystay meel ay wax ka iibsaneysay.

Dr. Cumar Yuusuf Xaashi oo ah Seyga Dhaqtaradda la af-duubtay ayaa sheegay in af-duubka loo geystay Xaaskiisa uu ku dhacay si shil ah, isla markaana markii la is-wareystay kadib la sii daayay xaaskiisa oo aaney wax dhibaato ah u geystay dadkii af-duubtay.

Dr. Cumar Yuusuf Xaashi waxaa uu u mahadceliyay dadkii gacanta ka geystay sii deynta xaaskiisa oo uu sheegay in ay tahay Dhaqtarad daweysa Bukaano badan oo Soomaaliyeeed, isla markaana muddo dheer ka shaqeyneysay dalka Soomaaliya weliba xili ay dagaallo ka jireen.

Dhaqtaraddan oo horay loogu magacaabi jiray Galina ayaa muddo toban sano ka badan waxaa loogu yeeraa Khadiija, kadib markii ay Islaantay, ayna soo gudatay Waajibaadka Xajka iyo Cimrada, waa sida laga soo xigtay Dad ehello la ah Dr. Cumar Yuusuf Xaashi oo ah Seyga  Drs. Khadiija.

Drs. Khadiija oo horay uga howlgeli jirtay Isbitaal ku yaalay Degmada Huriwaa ayaa haatan waxay fariisataa oo ay ku shaqeysaa Isbitaal ku yaala Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxayna tahay Dhaqtarad daweysa cudurrada guud.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan qofkii ugu horeeyay oo Ajnabi ah oo lagu af-duubto Suuqa Bakaaraha, waxaana mar sii horeysay Suuqaas lagu af-duubtay Labo Diblumaasi oo ka tirsanaa Safaaradda ay Liibiya ku leedahay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, inkastoo Diblumaasiyiintaas la sii daayay saacado yar kadib markii gacanta lagu dhigay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia