Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika oo ku guuleysatay in ay Xabsiga ka sii dayaan Dad siyaabo kala duwan loo xiray


Sabti, April 12, 2008(HOL): Kadib dadaal dheer oo ay galeen Hogganka Jaaliyadda Soomaalida Dalka Koofur Afrika (Somali Comminity Board - South Africa) ayay xabsiga ka sii dayeen 28 qof oo isugu jiray Dad soo galay dalka iyo kuwo loo soo qabtay sharciyada oo kadhacsanaa oo lagu soo xiray xabsi lagu magacaabo ( Nindila Jail) oo kuyala magalada Johanesburg ee dalka Koonfurta Afrika.

Ismaaciil Cabdalla Soomane oo ah Guddoomiye kuxigeenka Jaaliyadda ayaa oo u waramayay xafiiska HOL ee Johannesburg ayaa ii xaqiijiyay in ay xiriir dheer oo ay  la sameeyeen Home Afairs iyo madax ka tirsan Police-ka ay u suurogashay sii deynta dadkan Somalida ah oo ka koobnaa 27 rag ah iyo 1 dumar ah isagoo intaas raaciyay in uu talo u soo jeediyay taliyaha xabsiga taaso ahayd  in laga wada shaqeeyo sidii dadka ka soo galaya dhinaca xadka ay ula socdaan Jaaliyadda si eey u yaraato dhibaatada soo gaarta dadka soo galaya dalka ayna wada shaqeeyaan Jaaliyadda iyo Policeka.

Gurey Faarax Cilmi oo kamid ahaa dadkan la soo daayay ayaa oo isna u waramayay (HOL): wuxuuna u sheegay in aan wax dhibaato ah loogu geysan Xabsiga lana siiyay Qolal gaar ah iyo meel ay ku gudan karaan Salaaddooda ayna heleen Cunto Xalaal ah oo loogu talagalay dadka Muslimiinta ah ee ku xiran Xabsiga isagoo intaas ku daray in loo daweynayay Qofkii Xanuunsada.

Ugu dambeyntiina, Soomaalida magangalyo-doonka ah ayaa ku sii badanayo dalkan Koonfurta Afrika iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo galeen in ka badan 300 oo Qof iyadoo laga soo sheegayo dhibaatooyin kala duwan wadada ay ku soo tahriibaan Dadkan Soomaalida ah ee iyagu ka baxsanaya dhibatooyinka ka jira Gudaha Dalka Soomaaliya.


Saciid Cabdulle Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johanesburg, South Africa