Haddii aad Raggoodii wax u qaban kari weyseen oo ay Daryeel la’aan u geeriyoodeen maxaad hadda u qaban kartaan Xaasaskooda iyo Caruurtooda?

Sabti, April 12, 2008(HOL): Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday labo Fannaan oo caan ahaa, kuwaasi oo kala ahaa C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu iyo Axmed Nuur Iidow Jaangow, kuwaasi oo marka laga soo tago in ay u dhinteen waqtigooda oo dhamaaday hadana ay hubanti tahay in ay daryeel la’aan u dhinteen.

Haddaba waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan oo welina dhibaato nololeed qaba  Caruurtii iyo Xaasaskii ay ka geeriyoodeen Fannaaniintaas oo kala ah Sahra Ileeye Cabdi oo uu ka geeriyooday marxuum Axmed Nuur Jaangow iyo Nuurto Saleebaan Xaaji Ibraahim (Abaliisha) oo uu ka geeriyooday marxuum C/llaahi Amiir Aw-kuu kuu.

Labada Xaas ee ay Fannaaniintaas ka geeriyoodeen tiiba waxaa ay heysaa Todobo Caruur ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, kuwaasi oo ay noloshooda ku tiirsaneyd wixii ay u soo helaan labadaas fannaan ee geeriyooday.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Qofkii doonaya in uu caawiyo Xaasaskii ay ka geeriyoodeen Fannaaniintaas iyo weliba Caruurtooda wuxuu la xiriiri karaa Sahra Ileeye Cabdi iyo Nuurto Saleebaan Xaaji Ibraahin.

Xaaska uu ka geeriyooday Axmed Nuur Jaangow-Sahra Ileeye Cabdi Xaaska uu ka geeriyooday C/llaahi Amiir Aw-kuu kuu-Nuurta Saleebaan

Taleefoonka Sahra Ileeye Cabdi:          Taleefoonka Nuurto Saleebaan Xaaji
002521-5584860                                       002521-62376137
Mogadishu, Somalia                              Mogadishu, Somalia

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia