Sabti, April 12, 2008(HOL): Waxaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo socdaalkiisa uu ku wajahnaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.
Madaxweynaha oo intii uusan ka amba bixin Magaalada Muqdisho la hadlay warfidiyeennada ayaa wuxuu sheegay in uu magaalada New York uga qeybgelayo shir ay xarunta Qaramada Midoobay ku yeelanayaan Madax ka socota dalalka Afrika qaarkood iyo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in shirkaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay xaaladda Soomaaliya uu ka jeedin doono warbixin ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya iyo weliba codsi ku saabsan sidii ay Qaramada Midoobay u sii labalaabi lahayd dadaalka ugu jirto sidii loo soo celin lahaa Qarannimadii Soomaaliya.
Madaxwyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu intaas kadib ka hadlay abaaraha ka taagan Dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo la il-daran abaaro ka jira dhulkii ay ku noolaayeen, kuwaasi oo uu sheegay in ayan jirin cid u soo gurmaneysa, wuxuuna ka codsaday Hay’adaha Deeqaha bixiya in ay gurmad deg deg ah la gaaraan Dadka ay abaaraha ku dhufteen ee Soomaaliya ku sugan.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay u sii sagootiyay Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, ku xigeennadiisa kala ah Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan, Saalim Caliyow Ibrow, xubno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda iyo weliba mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Si kastaba arrintu ha ahaatee, socdaalka uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu kicitimay dalka Mareykanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu socdo dadaal ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo ku saabsan sidii dib u heshiisiin looga dhex furi lahaa dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, wuxuuna dadaalkaasina haatan marayaa meel wanaagsan oo rajo laga qabo in uu miro dhalo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia