Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay Dowladda Kenya ay ogolaatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka cusub ee Soomaaliya

Sabti, April 12, 2008(HOL): Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay ogolaatay in dalkeeda lagu galo Baasaboorka cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay Visa ku soo saareyso.
 
Taliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Barre Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in baasaboorka cusub uu si rasmi ah u shaqo bilaabay, isla markaana looga baahan yahay dadka Soomaaliyeed in ay qaataan.

Sababta ay muddo dhowr bilood u istaagtay shaqada soo saarista Baasaboorka cusub ayaa la weydiiyay Taliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka, wuxuuna sheegay in ay arrintaas la xiriirtay farsamo, isagoo dhinaca kalena gaashaanka ku dhuftay warar dhawaanahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in ay la lunsaday lacag dad shacab ah laga qaaday oo Baasaboorro lagu soo sameyn lahaa.

Taliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Barre Yuusuf waxaa uu shacabka uga digay in ay ku sii adkeystaan sii isticmaalidda Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in haatan la isticmaalo Baasaboorkaas, balse sida uu yiri ay jiri doonto maalin lagu ciqaabi doono qofkii lagu arko.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baasaboorkan cusub soo sameysay kadib markii uu qiimo beelay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kaasi oo dalalka caalamka qaarkood ay diideen in lagu soo galo, waxaana taasi keenay wariyayaal ajnabi ah oo dalka Soomaaliya booqasho ku tegay, kuwaasi oo si sahal ah Suuqa Cabdalla Shideeye ee Magaalada Muqdisho uga sameystay Baasaboorka Soomaaliyeed.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baasaboorkan cusub ayaa marka ay aqoonsadaan Dowladaha Caalamka waxaa uu meesha ka saari doonaa dhibaato dadka Soomaaliyeed ka heysata dhinaca socdaalka, taasi oo timid kadib markii uu qiimo beelay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia