Talaado,
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaa uu sheegay in Colaadda deegaannadaas dhowr jeer oo hore la soo af-jaray, haatanna ay mar kale dib u soo cusboonaatay, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Duubabka Dhaqanka, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Beelaha halkaas Colaadda ugu dhaxeyso in ay colaaddaas joojiyaan, isagoo caddeeyay in wixii maamul ahaan looga baahdo ay diyaar la yihiin.
Yuusuf Daba-Geed waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka colaadda u dhaxeyso ay ogaadaan in aan dagaal wax lagu keeneynin, “Dagaal haddii wax lagu keenayo 16 sano ayay Soomaali is-dileysay, sida aad ogtihiina dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, marka waxaa loo baahan yahay in la joojiyo Colaadda dib uga soo cusboonaatay Deegaanada Wabxo iyo Maxaas”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa markii uu dhawaan la wareegay xilka Guddoomiyenimada Gobolkaas waxaa uu la soo baxay howl-karnimo, wuxuuna wax badan ka bedelay qaabkii uu u shaqeyn jiray maamulkii isaga ka horeeyay tusaale ahaan wuxuu joojiyay canshuurihii dadka laga qaadi jiray, isagoo sheegay in aan dadka canshuur laga qaadeynin iyadoo aan ammaankooda la sugin, sidoo kalena wuxuu maamulkiisa ku dhaqaaqay howlo lagu soo saarayo bilicda Magaalada Beledweyne oo kadib markii ay ku soo bateen ganacsatda weratada ah ku sigatay in ay noqoto mid isku raran ah oo aan lahayn waddooyin waa weyn oo la isaga kala goosho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online