Talaado, August 14, 2007(HOL): Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Maxkamadihii Islaamka ayaa iska fogeeyay eedeyn ay shalay u soo jeedisay Hay’adda Dhawrista Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Watch) oo sheegtay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ay dembiyo dagaal galeen intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April ee sanadkan.
“Ciidamada Itoobiyaanka ah ee taageeraya dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa ay gaysteen xadgudubyo ka dhan ah xeerarka dagaalka kadib markii ay si baahsan oo aan loo meel dayin ugu garaaceen madaafiic, hoobiyayaal iyo gantaallo kale goobaha ay dadka rayidka ahi aad u deggan yihiin ee magaalda Muqdisho. Ciidamada Itoobiya waxaa ay dhowr jeer bartilmaameedsadeen cusbitaallada, iyagoo cusbitaalladaas ka bililiqaystay qalab caafimaad oo si aad ah loogu baahi qabay”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Human Rights Watch.
Warbixinta Human Rights Watch ayaa mar ay ka hadleysay dembiyada ay galeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamda Itoobiya waxaa lagu yiri “Xadgudubyada ay sameeyeen kooxaha mucaaradka ah ee Soomaalida waxaa ka mid ah: In si aan kala sooc lahayn hoobiyaal ugu tuureen goobaha ay dadka rayidka ahi deggan yihiin; in ay ciidamadooda dhigeen degaannada ay dadku sida aadka ah u deggan yihiin; dilal qorsheysan oo lala beegsaday saraakiisha rayidka ah ee dawlada ku meelgaraka ah iyo dil iyo xurmo-darro loo gaystay maydadka xubnaha dagaalka ku jiray oo ay qabteen”
Haddaba waxaa eedeymahaas ka yimid Human Rights Watch ka jawaabay mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Itoobiya iyo Maxkamadihii Islaamka.
Breket Simon oo la taliye gaar ah u ah Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ciidamadooda jooga Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sal lahayn, wuxuuna sheegay in aysan ciidamadooda gelin wax dembiyo dagaal ah, isla markaana aysan dilin dad rayid ah.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa isna difaacay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya wuxuuna isagoo u waramayay Idaacadda BBC-da uu sheegay in Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay is-difaacid kaliya sameeyeen, isla markaana aysan wax dhibaato ah geysan, “marar badan ayaa weeraro nagula soo qaaday ciidamadeenana waa ay is-difaacayeen kaliya”ayuu yiri Cabdi Xaaji Goob-doon.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isna ka hadlay warbixinta ay soo saartay Human Rights Watch, wuxuuna sheegay in warbixintaas ay tahay mid aan ka hadleynin tacadiyadii ka dhacay Soomaaliya ee ay geysteen Ciidamada Itoobiya, “tacadiyada ka dhacay Soomaaliya ee ay geysteen Ciidamada Itoobiya waa ay ka badan yihiin inta ay soo saartay Hay’addaas”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Carabiga.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda Dhawrista Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Watch) ayaa ugu baaqday Dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya in ay codsadaan, isla markaana taageeraan sii kordhinta hawlgal Qaramada Midoobay ah oo kormeeraya, kana warbixiya Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online