Talaado, August 14, 2007(HOL): Dowladda Canada ayaa cambaareysay dilki dhawaan Muqdisho loogu geystay Cali Iimaan Sharma-arke oo ka mid ahaa Milkilayaasha Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik iyo Mahad Axmed Cilmi oo isna ahaa Agaasimihii Idaacadda Capital Voice.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Canada Mr. Peter MacKay ayaa sheegay in Dowladdiisa ay si xooggan u cambaareyneyso dilkii loo geystay labadaas marxuum oo mid ka mid ah uu heystay dhashada Dalka Canada.
Dowladda Canada ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo qabato dadkii ka dambeeyay dilka marxuumiintaas, isla markaana ay ciqaabto.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada waxaa uu sheegay in saxafiyiinta Soomaaliyeed uu soo wajahay waqtigii ugu adkaa intii ay shaqeynayeen, wuxuuna caddeeyay in loo geysto weerarro iyo handadaado uga yimaada dhinacyada isku haya Soomaaliya.
“Dowladda Canada waxay si weyn uga walaacsan tahay nabadgelyo darrada iyo Xaaladaha Bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada Peter MacKay oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan sidii ay u nabadeyn lahaayeen dalkooda ay dagaallada aafeeyeen.
Sidoo kalena, Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa horay u cambaareeyay dilka loo geystay marxuumiintaas, waxayna ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo qabato dadkii dilkaas geystay, sidoo kalena la dhowro xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida Saxaafadda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia