Talaado,
Dadka dhaawacmay ayaa gebi ahaantood waxay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa Maqaayad Raashinka laga cuno, iyadoo dhaawacoodana loola cararay Isbitaalka Madiina.
Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobta tegay ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii ku sugnaa qeybta Saacadaha lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo qaarkood ka cararay goobahooda ganacsiga oo furan.
Wuxuu ahaa qaraxii ugu horeeyay oo Suuqaas ka dhaca tan iyo wixii ka dambeeyay markii Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ay isku af-garteen in ay ka wada shaqeeyaan sugidda Ammaanka Suuqa, iyadoo is-af-garadkaasna uu yihimid kadib muddo 18 maalmood ah oo uu ganacsigii Suuqa Bakaaraha u xayirnaa Qaraxyo iyo Is-rasaaseyn u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo wax qarxinayay oo ka soo horjeeday.
Dhanka kalena, 8 ruux oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay u geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray, iyadoo dadkaas badankoodna ay ku dhaawacmeen tacshiirad ay Ciidamo Itoobiyaan ah huwiyeen Gaari Rakaab ah oo ku sii jeeday Gobollada Dhexe, kaasi oo marayay nawaaxiga Isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee Magaalada Muqdisho.
Isla goobtii Gaarigaas lagu rasaaseeyayna waxaa shalay ku naf waayay dad gaarayay 8 ruux, kuwaasi oo dhamaantood musaafir ahaa, kuna sii jeeday Deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online