Talaado,
Weerarradii ugu xoogganaa ayaa waxaa lagu qaaday Warshaddii Baastada iyo nawaaxiga Isgoyska SOS, waxaana ilaa 10 Madfac oo Hoobiyayaal ah lagu weeraray Warshaddii Baastada oo fariisin u ah Ciidamada Itoobiya.
Fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin halka lagu magacaabo Shineemo Cabdi Waayeel oo u dhow Isgoyska SOS ayaa iyana xalay la weeraray, waxaana halkaas laga maqlayay daryanka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isku ridayeen.
Cabdi Xuseen Cali oo ka mid ah dadka degan nawaaxiga halka iska hor-imaadka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas fariisin ku leh ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen, kadibna ay mar qura is-qabsatay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.
Weerarrada xalay lagu qaaday Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo shalay galabnimadii ay 8 ruux ku dhinteen agagaarka Isgoyska Ex-Koontarool Balcad kadib markii ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo Bambo lagu tuuray ay tacshiirad huwiyeen Gaari Rakaab ah oo ku sii jeeday Gobollada Dhexe.
Sidoo kalena Weerarro loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa sidoo kale waxaa xalay agu qaaday Saldhigga Degmada Hodan iyo Xarunta Degmada Shibis, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen Bambooyinkaas.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Weerarada habeenkii ka dhaca magaalada Muqdisho ee lagu qaado Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa waxay noqdeen kuwo joogto ah oo habeen kasta dhaca, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Muqdisho ka socdaan howlgallo lagu sugayo ammaanka oo ay ciidamadaas wadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online