Hiiraan Online
12/22/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2024
Dowladda Federaalka oo Baladxaawo kusoo bandhigtay ciidamo kasoo goostay Jubbaland
Axad, December, 8, 2024 (HOL) - Ciidamo katirsanaa Jubbaland oo ku sugan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida laga sheegay kulan lagusoo bandhigay ciidamadan.
Taliyaha guutada 10aad, qeybteeda 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baladxaawo oo ciidamada la hadlay ayaa u sheegay in maanta laga bilaabo xaquuqdooda ay ku leeyihiin dowladda Federaalka, iyagoona sheegay in la qabalayndoono
Dhinaca kale, maamulka Jubbaland ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan maamulkooda ay ku biireen dowladda. Wasiirka amniga Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa sheegay in ciidamada dowladdu soo bandhigtay ay yihiin maleyshiyo beeleed iyo askartii lagusoo tababaray Eritrea oo dowladda markii hore kasoo cararay.
Jeneraal Dhuumaal ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay abaabulayso maleeshiyaad iyo saraakiil ciidan oo horey uga tirsanaa ciidamada Jubbaland, kuwaas oo loo adeegsanayo sida uu sheegay in lagu dumiyo Jubbaland.